Tuesday, March 9, 2010

Hakad ku yimi hayaanki tahriibta

Magaalo madaxda goboloka togdheer oo lagu tilmaamijiray magaalooyinka ugu tahriibta
badan, ayaa waxaa laga dareemayey bilihii ugu dambeeyey hakad ku yimi boqaalki tahriibta.

Hadaba Engineer Cisman xiis Faarax oo ah dhallinyarada ku dhaqan gobolkan togdheer
oo aanu wax ka waydiiney, waxyaabaha sababay in hakad ku yimaado tahriibta ayaa ku jawaabey, in loomalaynayo dhowr arrimood, waxaana ka mid ah.

1-Wacyigalin badan oo lagu sameeyey dhallinyarada iyo dhibaatooyinka tahriibta
2-Jidadkii ama laladaad ugu weyneed ee ay marijireen dhallinyarta tahriibta oo adkaaday
3-Waddamadii loo tahriibijirey siiba yurub oo laga soosheegay hoose uu dhac dhaqaale, iyado dadka ay usuurta gashayna ay ka dayrinayaan shaqo la'aan

Iyada oo sanadkii 2004-2008, dhallinyarti ka haakirtey gobolkan togdheer lagu qiyaasay 15,000 ila 20,000 oo qof.
ku waas oo iyagu uu haajirey wadamada yurubta iyaga oo raadinaaya nolol dhaanta tay ku jiraan. iyada oo ay ku nafwaayeen dhallinyar badani bada Mediterranean oo uu dhaxaysa talyaaniga iyo liibiya.
Sikasta ha ahaatee hakad kan ku yimi tahriibta aya waxaa uu ku soo beegmay, xili warshado badan laga hirgaliyey gobolka togdheer, ku waas oo ay shaqooyin ka heleen dhallinyar badan oo iayagu ku hamiyayey in ay tahriibaan.

Engr Cisman wuxu dhallinyarada usojeediyey in ay dalkooda aaminaan oo ay waxbartaan.
Waxaanu inta ku daray in qofku marka uu waxbarto, uu isagu shaqada abuuri karo

by:- JAMAL SICIID ISMACIIL

No comments:

Post a Comment