Saturday, October 29, 2011

DAAWO SAWIRADII MADASHII URURKA SAHAL KU GUDOONSIIYEY QALABKA SPORTS-GA GUDIGA QABAN QAABADA QARANKA

 Ururka Sahal Youth Organization oo ka mida ururda si tabarucaada ah uga howgala gobolka Togdheer ayaa ayaa kubado iyo qalab ku wareejiyay gudiga heer qaran iyo wasaarada ciyaraha taasi oo ay ugu deeqeen  koobka ciyaaraha ee lagu qabanaayo Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco,


                                 Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo Goob joog ka ahaa Madashii                    
                                           Marti Sharaftii kasoo qeyb gashay Madasha 

                            Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Togdheer
                              Agaasimaga Ururka Sahal Youth  Jamaal Siciid Ismaaciil Banjiidh (Janaale)
                       Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Ciyaaraha Qaranka Mr Mubaarig
     Mr Xaashi oo Ururka Sahal u qaabilsan dhanka Ciyaaraha oo ku wareejinaaya qalabka Gudiga Qaranka
                  Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Togdheer

            Marti Sharaf + Masuuliyiinta Sahal + Kooxda Fanka iyo Suugaanta ee Walaaha Togdheer
    Xubno ka mida Ururka Sahal + Saxafiyiin +Marketing ka Shirkada Korontada ee Kaaah A/rsaaq Aar
     Qalabkii lala kala wareegaayay oo isugu jira kubado iyo qalabka ciyaaraha ee uu ku deeqay ururka sahal

Sunday, October 9, 2011

Daawo Sawiradii Madaxweyne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madashii Uu Ka Jeediyay Khudbada Taasoo uu Kala Hadlaayay Dadweynaha Gobolka Tp




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxaa uu Ayaamkan Socdaal ku Galaa Bixinaayay Qaar ka mida Gobolada Bariga Somaliland oo ay ka mid yihiin Gobolka Daad Madheedh,Togdheer,Sool .



Madaxweynaha  Waxaa Gelinkii Danbe ee jimcihii lagu sooo dhaweeyey Magaala Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco taasoo ay ka qeyn qaateen Maamulka Gobolka kan Degmada iyo  dhamaan dadweynaha ku dhawan Gobolka Togdheer iyadoo loo galbiyay Dhankaa iyo Guriga Martida halkaasoo uu Barxada Hore ee Guriga uu Salaan Sharaf kaga Qaatay qaar ka mida Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxaana uu Madaxweynu sidoo kale Socdaal gaaban ku dhex maray Dadweynihii Goobtaa joogay
 Maalintii Shalay oo Taariikhdu ku Beegnayd 08-10-2011 Waxaa uu  Madaxweynuhu Socdaal ku Gaadhay Gobolka Sool oo si heer sare loogu soo dhaweeyey,Booqashadaa uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Gobolka Sool kumuu hagan se waxaa uu markiiba gaadhay Ciidamada Qaran JSL ee ku Sugan Jiida Hore Waxaana halkaasi khudbad uga soo jeediyay Madaxweynuhu iyo wakhtiguu Hogaaminaayay khudbad ay ku dheehantahay dhiiri galin u jeediyeen Ciidanka Qaran ee ku sugan Jiidaha Hore kuwaasoo Diciif ugu Jira Dalak.
 Markii uu Isla Maalintiiba kasoo guryo noqday Madaxweynuhu Gobolka Sool Waxaa uu Socdaal iyo Booqasho Dib ugu soo laabtay Gobolada Saraar iyo Togdher oo ahayd halkii uu markii hore ka kicitimay
Waxaaana Waftiga ballaadhan ee uu Hogaaminaayo Mudane Siilaanyo si Heer sare ah loogu soo Dhaweeyey Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar
 Isla Fiidnimadii Xalay waxaa uu Soo Gaadhay Madaxweynahu dibna ugu soo Laabtay Magaalada  Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer tasoo uu Xalay u Howday, Waxaana uu Saaka khudbad ka Jeediyay Fagaaraha Hore ee Guriga Martida iyo Xarunta Gobolka Togdheer taasoo uu ugu mahad celiyay Dadweynaha Reer Togdheer waxaana Dadkii Madashaai ka Hadlay ka mid ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir Gudoomiyaha Xisbiga Talada haye ee Kulmiye Gudomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Wakiilada C/casiis Maxamed Samaale





Mohamed elmi hassan (Shiine)
Sahal youth Org
Burco Somaliland