Sunday, October 9, 2011

Daawo Sawiradii Madaxweyne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madashii Uu Ka Jeediyay Khudbada Taasoo uu Kala Hadlaayay Dadweynaha Gobolka Tp




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxaa uu Ayaamkan Socdaal ku Galaa Bixinaayay Qaar ka mida Gobolada Bariga Somaliland oo ay ka mid yihiin Gobolka Daad Madheedh,Togdheer,Sool .



Madaxweynaha  Waxaa Gelinkii Danbe ee jimcihii lagu sooo dhaweeyey Magaala Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco taasoo ay ka qeyn qaateen Maamulka Gobolka kan Degmada iyo  dhamaan dadweynaha ku dhawan Gobolka Togdheer iyadoo loo galbiyay Dhankaa iyo Guriga Martida halkaasoo uu Barxada Hore ee Guriga uu Salaan Sharaf kaga Qaatay qaar ka mida Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxaana uu Madaxweynu sidoo kale Socdaal gaaban ku dhex maray Dadweynihii Goobtaa joogay
 Maalintii Shalay oo Taariikhdu ku Beegnayd 08-10-2011 Waxaa uu  Madaxweynuhu Socdaal ku Gaadhay Gobolka Sool oo si heer sare loogu soo dhaweeyey,Booqashadaa uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Gobolka Sool kumuu hagan se waxaa uu markiiba gaadhay Ciidamada Qaran JSL ee ku Sugan Jiida Hore Waxaana halkaasi khudbad uga soo jeediyay Madaxweynuhu iyo wakhtiguu Hogaaminaayay khudbad ay ku dheehantahay dhiiri galin u jeediyeen Ciidanka Qaran ee ku sugan Jiidaha Hore kuwaasoo Diciif ugu Jira Dalak.
 Markii uu Isla Maalintiiba kasoo guryo noqday Madaxweynuhu Gobolka Sool Waxaa uu Socdaal iyo Booqasho Dib ugu soo laabtay Gobolada Saraar iyo Togdher oo ahayd halkii uu markii hore ka kicitimay
Waxaaana Waftiga ballaadhan ee uu Hogaaminaayo Mudane Siilaanyo si Heer sare ah loogu soo Dhaweeyey Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar
 Isla Fiidnimadii Xalay waxaa uu Soo Gaadhay Madaxweynahu dibna ugu soo Laabtay Magaalada  Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer tasoo uu Xalay u Howday, Waxaana uu Saaka khudbad ka Jeediyay Fagaaraha Hore ee Guriga Martida iyo Xarunta Gobolka Togdheer taasoo uu ugu mahad celiyay Dadweynaha Reer Togdheer waxaana Dadkii Madashaai ka Hadlay ka mid ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir Gudoomiyaha Xisbiga Talada haye ee Kulmiye Gudomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Wakiilada C/casiis Maxamed Samaale





Mohamed elmi hassan (Shiine)
Sahal youth Org
Burco Somaliland

No comments:

Post a Comment