Saturday, October 29, 2011

DAAWO SAWIRADII MADASHII URURKA SAHAL KU GUDOONSIIYEY QALABKA SPORTS-GA GUDIGA QABAN QAABADA QARANKA

 Ururka Sahal Youth Organization oo ka mida ururda si tabarucaada ah uga howgala gobolka Togdheer ayaa ayaa kubado iyo qalab ku wareejiyay gudiga heer qaran iyo wasaarada ciyaraha taasi oo ay ugu deeqeen  koobka ciyaaraha ee lagu qabanaayo Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco,


                                 Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo Goob joog ka ahaa Madashii                    
                                           Marti Sharaftii kasoo qeyb gashay Madasha 

                            Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Togdheer
                              Agaasimaga Ururka Sahal Youth  Jamaal Siciid Ismaaciil Banjiidh (Janaale)
                       Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Ciyaaraha Qaranka Mr Mubaarig
     Mr Xaashi oo Ururka Sahal u qaabilsan dhanka Ciyaaraha oo ku wareejinaaya qalabka Gudiga Qaranka
                  Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Togdheer

            Marti Sharaf + Masuuliyiinta Sahal + Kooxda Fanka iyo Suugaanta ee Walaaha Togdheer
    Xubno ka mida Ururka Sahal + Saxafiyiin +Marketing ka Shirkada Korontada ee Kaaah A/rsaaq Aar
     Qalabkii lala kala wareegaayay oo isugu jira kubado iyo qalabka ciyaaraha ee uu ku deeqay ururka sahal

Sunday, October 9, 2011

Daawo Sawiradii Madaxweyne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madashii Uu Ka Jeediyay Khudbada Taasoo uu Kala Hadlaayay Dadweynaha Gobolka Tp




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxaa uu Ayaamkan Socdaal ku Galaa Bixinaayay Qaar ka mida Gobolada Bariga Somaliland oo ay ka mid yihiin Gobolka Daad Madheedh,Togdheer,Sool .



Madaxweynaha  Waxaa Gelinkii Danbe ee jimcihii lagu sooo dhaweeyey Magaala Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco taasoo ay ka qeyn qaateen Maamulka Gobolka kan Degmada iyo  dhamaan dadweynaha ku dhawan Gobolka Togdheer iyadoo loo galbiyay Dhankaa iyo Guriga Martida halkaasoo uu Barxada Hore ee Guriga uu Salaan Sharaf kaga Qaatay qaar ka mida Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxaana uu Madaxweynu sidoo kale Socdaal gaaban ku dhex maray Dadweynihii Goobtaa joogay
 Maalintii Shalay oo Taariikhdu ku Beegnayd 08-10-2011 Waxaa uu  Madaxweynuhu Socdaal ku Gaadhay Gobolka Sool oo si heer sare loogu soo dhaweeyey,Booqashadaa uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Gobolka Sool kumuu hagan se waxaa uu markiiba gaadhay Ciidamada Qaran JSL ee ku Sugan Jiida Hore Waxaana halkaasi khudbad uga soo jeediyay Madaxweynuhu iyo wakhtiguu Hogaaminaayay khudbad ay ku dheehantahay dhiiri galin u jeediyeen Ciidanka Qaran ee ku sugan Jiidaha Hore kuwaasoo Diciif ugu Jira Dalak.
 Markii uu Isla Maalintiiba kasoo guryo noqday Madaxweynuhu Gobolka Sool Waxaa uu Socdaal iyo Booqasho Dib ugu soo laabtay Gobolada Saraar iyo Togdher oo ahayd halkii uu markii hore ka kicitimay
Waxaaana Waftiga ballaadhan ee uu Hogaaminaayo Mudane Siilaanyo si Heer sare ah loogu soo Dhaweeyey Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar
 Isla Fiidnimadii Xalay waxaa uu Soo Gaadhay Madaxweynahu dibna ugu soo Laabtay Magaalada  Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer tasoo uu Xalay u Howday, Waxaana uu Saaka khudbad ka Jeediyay Fagaaraha Hore ee Guriga Martida iyo Xarunta Gobolka Togdheer taasoo uu ugu mahad celiyay Dadweynaha Reer Togdheer waxaana Dadkii Madashaai ka Hadlay ka mid ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir Gudoomiyaha Xisbiga Talada haye ee Kulmiye Gudomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Wakiilada C/casiis Maxamed Samaale





Mohamed elmi hassan (Shiine)
Sahal youth Org
Burco Somaliland

Wednesday, July 6, 2011

Ururka SAMO ee Noorway oo dib-u-dhis ku samaynaya Iskuulka CAALIM ee magaalada Burco

Ururka samafalka SAMO ee wadanka Noorway ayaa iskuulka CAALIM ee xaafada Caqiibo ee Burco ugu deeqay kaalmo dib-u-habayn ah . Kaalmadan oo cadadkeedu yahay 11 000 doolar ayaa waxa ka mid ah qalabaynta fasalada iyo xafiiska iskuulka iyo dib-u-habayn dhismo. Waxa kale oo kaalmada ka mid ah soo iibinta labiska ardayda iyo aqoon korodhsi la siinayo macalimiinta iyo shaqaalaha. Waxa iskuulka la qoraya 90 arday oo hada Quraanka ku barta, waxanaa lagu soo kordhin doonaa ilaa 70 arday oo kale .
Iskuulka CAALIM ayaa ah iskuul uu hore u dhisay, Alle ha ka abaalmariyee, Axmed Caalim oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo degan Ohio, Maraykan. Si kastaba iskuulkan ayaa baahi u qabay in dayactir iyo dhamaystir lagu sameeyo. Mashruucan waxa hadii Ilaahay idmo la dhammaystirayaa bisha Juun 2011.
Ururka SAMO waxa uu fulinta mashruucan la kaashanaya ururka SAHAL YOUTH ORGANISATION (SYO) oo ah urur dhallinyaro oo wadani ah oo waxyaalaha uu ka hawl galo ka mid yihiin arrimaha horumarinta waxbarashada.
”Waxanu jeclaanay in hadii aanu nahay dhallinyarada halkan joogta (Norway) aanu wadashaqayn la yeelano dhallinyarada dedaalaysa ee wadankii ku sugan, si aanu isaga kaashano horumarinta bulshada iyo degaanka”, ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee SAMO, Axmed Cabdi Yaasiin.
Ururka SAMO ayaa ah urur 2008-kii ay aasaaseen dhallinyaro reer Somaliland ah oo Norway degan waxaana hawlaha loo aasaasay ugu mudan horumarinta waxbarashada dalkii hooyo. Ururkan waxa uu dhaqaalaha ka soo ururiyaa jaaliyada reer Somaliland ee wadanka Norway.
Waxii macluumad dheerada uu bahan tihin booga ururka Samo hoos ku qoran ka akhriista

Tuesday, July 27, 2010

Sahal started new voluntary classrooms for 150 students



with help of almighty Allah, Sahal Youth Organization, started a new classrooms for non-formal education students, these classrooms conducted by a trained teachers who is working voluntarily to spread knowledge among all members of the society.

the number of students is around 150, most of them are females and mothers who didn't get a chance for education.

 

Saturday, July 3, 2010

MCH assessment in ballidhiig and dhoqoshay

Mar aan socdaal ku tegay magaalada ballidhiig ayaan indha indhayn ku sameeyay magaalada xaga caafimaadka, waxa aan tegay xanaano (MCH) kutaala magaalada.
 inkas too ay xanaandu qalabaysanayd marka loo eego mid heer kuda ah, aya hadana waxaanan joogin shaqaale caafimaad oo kufilan.

hadaynu eegono dhanka daawaynta (Curative) ee magaalada waxaanay lahayn meel caafimaad oo uqorshaysan in dadka lagu daweeyo, iyo waliba xita gaadiid (ambulance) ugaar ah in lagu qaado dadka ku jira xaaladaha caafimaad eedeg dega ah (emergency conditions) taasoo ay kala mid tahay degmooyinka kale.

isla socdaalkaas oo aan hadana ku soo maray degmada kale ee dhoqoshay, ayaa iyana waxay ahayd mid aan waxaba ka duwanayn ballidhiig caafimaad ahaan oo waliba xanaanadeedu ka qalab iyo shaqaaleba yarayd

Uruka Sahal Org wuxu ku hawlan yahay sidii ay degmooyinkaasi u heli lahaayeen shaqaale caafimaad oo joogta ah.

By:- A/shakuur Hassan  Jaama  
Registered Nurse 

Thursday, July 1, 2010

doorashooyinkii somaliland..

   26kii juun waxa ka qabsoomay somaliland doorashadii madaxa tooyada, taas oo si nabad galya ah ku dhamaatay, waxaana la filaya in Kumishanku soo saari doonaan natiijadii iyo xisbigii ku guulaystayba.
hadaba anago  ah ururka Sahal Youth Organization waxaaan hambalyo u dirayna kumishanka, axsaabta  tartamaysa, iyo guud ahaan shacabka somaliland meel kasto ay joogaan, waxaananu si gaar ah  u amaanayna Kumishanka doorashooyinka qaranka oo sii xur iyo xalaal ah u qabtay doorashooyinka.
hadaba waxaanu rajaynayna in xisbi waliba ku qanci doono nitiijooyinka aay soo saaraan kumishanku.
Alla  Mahad leh
By:- Jamaal siciid ismaciil

Thursday, June 24, 2010

Hor umarinta Waxyaabaha Asaaska ah ee magalada Burco!

magaalo kastaaba waxa ay u baahantahay waxyaabo aasaas u ah nolosha iyo hor umarka bulsho waxaanay kala yihiin.


1) waxbarasho tayo leh.
2) caafimaad bilaash ah.
3) laydh iyo biyo
4) wadooyin iyo xarumo bulsho oo dhisan.


fadlan ka dhiibo ra'yigaaga sidii aynu u hor umarin laheyn arimahaas kor ku qoran iyo weliba waxyaabaha kale ee loo baahanyahay balse aan kor lagu xusin.