Wednesday, July 6, 2011

Ururka SAMO ee Noorway oo dib-u-dhis ku samaynaya Iskuulka CAALIM ee magaalada Burco

Ururka samafalka SAMO ee wadanka Noorway ayaa iskuulka CAALIM ee xaafada Caqiibo ee Burco ugu deeqay kaalmo dib-u-habayn ah . Kaalmadan oo cadadkeedu yahay 11 000 doolar ayaa waxa ka mid ah qalabaynta fasalada iyo xafiiska iskuulka iyo dib-u-habayn dhismo. Waxa kale oo kaalmada ka mid ah soo iibinta labiska ardayda iyo aqoon korodhsi la siinayo macalimiinta iyo shaqaalaha. Waxa iskuulka la qoraya 90 arday oo hada Quraanka ku barta, waxanaa lagu soo kordhin doonaa ilaa 70 arday oo kale .
Iskuulka CAALIM ayaa ah iskuul uu hore u dhisay, Alle ha ka abaalmariyee, Axmed Caalim oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo degan Ohio, Maraykan. Si kastaba iskuulkan ayaa baahi u qabay in dayactir iyo dhamaystir lagu sameeyo. Mashruucan waxa hadii Ilaahay idmo la dhammaystirayaa bisha Juun 2011.
Ururka SAMO waxa uu fulinta mashruucan la kaashanaya ururka SAHAL YOUTH ORGANISATION (SYO) oo ah urur dhallinyaro oo wadani ah oo waxyaalaha uu ka hawl galo ka mid yihiin arrimaha horumarinta waxbarashada.
”Waxanu jeclaanay in hadii aanu nahay dhallinyarada halkan joogta (Norway) aanu wadashaqayn la yeelano dhallinyarada dedaalaysa ee wadankii ku sugan, si aanu isaga kaashano horumarinta bulshada iyo degaanka”, ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee SAMO, Axmed Cabdi Yaasiin.
Ururka SAMO ayaa ah urur 2008-kii ay aasaaseen dhallinyaro reer Somaliland ah oo Norway degan waxaana hawlaha loo aasaasay ugu mudan horumarinta waxbarashada dalkii hooyo. Ururkan waxa uu dhaqaalaha ka soo ururiyaa jaaliyada reer Somaliland ee wadanka Norway.
Waxii macluumad dheerada uu bahan tihin booga ururka Samo hoos ku qoran ka akhriista

No comments:

Post a Comment